Wiil rayid ah oo lagu dilay Shabis iyo dadki falkaasi geystay oo la qabtay

Rag ku hubeesnaa bistoolado ayaa xalay ku dilay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyara ah, balse waxaa qabtay oo gacanta ku dhigeen ciidamada Dowlada.

Wiilka la dilay oo la oran jiray Zakariye Maxamed Maxamuud ayaa waxaa toogtay wiil kale oo dhalinyara ah oo kaasi oo xabad madaxa uga dhiftay wax yar kadib marki uu kasoo baxay maqaayada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo goobta ka ag dhawaa ayaa kusoo baxay kadibna ninki falka geystay dhaawacay isla markaana gacanta ku dhigay, waxa kale oo ay qabteen laba kale oo isaga la socotay, halka uu baxsaday mid afraad sida ay sheegeen dad goob joog ah.

Saraakiisha amaanka ee degmada Shibis ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ragani ay ka tirsanyihiin Al Shabab.

Waa marki sadexaad oo ay ciidamada amaanka Shibis ku guuleysanayaan in ay qabtaan ama ay dilaan kooxaha bistooladaha wax ku ugaarsada ee ka tirsan Al Shabab, 3 bilood ka hor ayey sidaan oo kale u dileen wiil dhalinyara ah oo dilay nin ku sugnaa Shibis.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here