Wiil aad ugu eg C.Ronaldo oo lagu arkay Turkiga

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa wadanka Turkiga, gaar ahaan bogaga ay isticmaalaan dadweynaha, sida Facebook iyo Twitter-ka lagu arkayay muuqaalka wiil si weyn ugu eg Ciyaaryahanka Realmadrid C.ronaldo.

Wiilkaan ayaa lagu magacaabaa “Jokmin Akdojan” qaabka uu u dhaqdhaqaaqo iyo sida uu kubada u ciyaarana wa mid ad ugu dhow CR7, waxa uuna hada si aad ah Caan uga noqday wadanka Turkiga, waxaana uu saaxiibo badan ku yeeshay bogga uu ku leeyahay Facebooka, saaxiibada uu kuleeyahayna waxa ay gaarayaan ilaa 2,000.

“Waxa aan dareemayaa riyo dhab ah” ayuu mar kusoo qoray bogga uu ku leeyahay Facebooka.

Wiilkaan shabaha CR7 ayaa sheegay inuu rajeeynayo inuu dhawaan lakulmo C.ronaldo oo mardhow booqan doona Stanbul, maadaama kooxdiisa Realmadrid ay la ciyaari doonto naadiga Calastraay kulan katirsan horyaalada Yurub, gaar ahaan wareega sideeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here