Chelsea oo kulankeedi ugu horeeyay guul ku bilaawday+sawiro

Ciyaar aad u xiiso badan ayaa hada waxay dhexmareeysaa  naadiyada Chelsea iyo Wigan,ayaa ciyaarhanada Dimateo waxaa usuura gashay ineey daqiiqadihi ugu horeeyay ciyaarta ay goolka Wigan ku dharbaaxaan 2 gool.

Daqiiqadi labaad ayaa waxaa goolka koowaad Chelsea u daahfuray ciyaaryahanka daafaca midig kaga ciyaara ee Ivanovic,halka goolka labaadna oo ahaa Rigoore uu usaxiixay Frank Lampard daqiiqadu markeey mareeysay 7-daqiiqo.

Wixii kusoo kordha natiijada daqiiqad daqiiqad ayaan idinkugu soo qori doonaa insha alaah
Edin Hazard oo ay chelsea xili ciyaareedkan kala soo wareegtay naadiga Lille ee wadanka faransiiska,aya galabta soo bandhigay ciyaar ay taageerayasha Chelsea kawada maqsuudeen,waxa uuna muujiyay inuu uqalmo in laga soo bixiyo £32million.

Chelsea ayaa waxaa usafnaay ciyaartooyda kala ah:

(Cech, Ivanovic, Luiz, Terry, Cole, Lampard, Mikel, Eden Hazard (Oscar 64), Mata (Meireles 82), Bertrand, Torres.

Subs not used: Turnbull, Essien, Ferreira, Sturridge, Cahill).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here