WFP oo dib u habeyn ku samaysay dekedaha Soomaaliya

Hay’ada QM uqaabilsan barnaamijka Cuntada aduunka ee WFP, ayaa dib u habeyn ku sameysay dekedaha dhaca xeebta dheer ee Soomaaliya, sida dekeda Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera, waxaana hada dekedahaan kusoo xiran kara Maraakiibta waaweyn.

Biyaha, buluga ah ee Saafiga ah, islamarkaasna xeersan xeebta dheer ee Soomaaliya, ayaa mudo dheer ahaayeen kuwo dayacan, waxaana ka buuxsamay qashin iyo maraakiib ku halaawday, taasoo meesha ka saartay ineey kusoo xirmaan Maraakiibta waa weyn.

WFP, oo markii hore howsheeda ka bilaawday dekeda Muqdisho, ayaa markii xigtay u talaabtay ineey dib u habeyn ku sameyso dekeda Boosaaso.

Dekeda Boosaaso, waxay mudo dheer ahayd mel xudun u ah, marinka waqooyiga iyo bartmaha Soomaaliya, waxaana kasoo dagayay raashinka gargaarka ah ee ay WFP, ugu talo gashay in lasiiyo dadka ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan 2011, markaasoo Soomaaliya dhanka Koofureed ay ka dhacday abaar xun.

WFP, ayaa dekeda Muqdisho waxay kasoo saartay qashin farabadan iyadoo hoos u qoday 160,000m, waxaana hada dekeda Muqdisho, kusoo xiran karo Maraakiibta waa weyn ee Caalamiga ah, kuwaasoo markii hore kusoo xiran Karin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here