Weriye Mahad Salaad oo lagu aasay magaalada Beledweyne

Waxaa saaka lagu aasay magaalada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan alla ha u naxariistee Mahad Salaad Aadan oo shalay galab rag hubeysan ay ku dileen magaalada Beledweyne.

Weriye Mahad Salaad ayaa aaskiisii waxaa ka soo qeybgalay waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin katirsan maamulka dowlada KMG ee gobolka Hiiraan, aqoonyahano, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne.

Dilka weriye Mahad Salaad ayaa waxaa cambaareeyey qeybaha kala gedisan ee saxaafadda dalka iyo dibada.

Waxana dilka weriyahan uu noqday kii ugu horeeyey ee ka dhaca gobolada dalka Soomaaliya waana weriyihii afaraad ee lagu dilka Soomaaliya sanadkan 2012ka.

Hase yeeshee dilka weriye Mahad Salaad ayaa ka dhigeysa weriyihii ugu horeeyey ee la diley qofkii ka dambeeyey dilkiisa.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen mid kamid ah kooxdii ka dambeysey dilka weriye Mahad Salaad kadib markii ay israsaaseyn dhex martay ciidamada amniga gobolka Hiiran iyo ninka lagu eedeeyey in uu diley weriyaha.

Dalka Soomaaliya ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu diley suxifiyiin isugu jirta Somaliy iyo ajaaniib.

Dilka weriyahan 23jirka ahaa ee uga soo warami jirey magaalada Beledweyne idaacada iyo tv Shabelle ayaa ku soobeegmay xilli ay isbitaalada magaalada Muqdisho u jiifaan dhaawacyo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay tiyaatarka illaa toban weriye oo isugu jira rag iyo haween.