Wenger: Van Persie wuxuu uga tagay Arsenal koob in uu ku guleesto

Tababare Arsene Wenger ayaa sheegay in uu aamisan yahay Robin van Persie’ go’aanka uu uga tagay kooxdiisii horre Arsenal in kaliye ay ahayd siddii uu ugu guuleesan lahaa koob.

Xiddigga reer Dutch ayaa markii ugu horreysay dib ugu soo laabanaya garoonka Emirates, Axadda beeri marka halkaas isku arkaan kooxda uu hadda la joogo ee Manchester United iyo kooxda uu macalinka u yahay ee Wenger.

“Waa haweeney ilmo raadineysay mudd 39-sanno oo heshay ugu damneen ilmo,” ayuu yiri tababaraha kooxda Arsenal.

Wuxuu kalo yiri “Waa ay dhib badan tahay in aad halkan ku heyso ciyaaryahan doonaya in uu koob qaado, waayo dhowr ciyaartooy oo waaweyn ayaa halka isaga dhaqaajiyay oo aan luminay, sida Thierry Henry, Patrick Vieira, wuxuu kula guuleestay naadiga hal koob.”

Xiddigga reer Dutch ayaa ka mid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan horiyaalka Ingiriiska sannadkan maadama uu dhaliyay 28-gool.

Laakin mar la weydiiyay macalin Wenger xidigga uu abaalmarintaas siin lahaa wuxuu yiri ” Waxaan u dooran lahaa [Michael] Carrick,”.

Robin van Persie ayaa dib ugu laabanaya kooxda Arsenal tan iyo markii United ay kula soo wareegtay 24 million pounds xilli ciyaareedka hadda socda.

Wariyaasha ku sugan dalka Ingiriiska waxa ay lee yihiin ciyaaryahanka maalinta berri waxaa uu la kulmi doonaan eedeemo iyo aflagaado kuwaasoo uu kala kulmaayo taageerayaasha kooxda Arsenal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here