Wenger: Van Persie weli ‘Waa cayaaryahan ka tirsan Arsenal’

335815_heroaTababbarre Arsene Wenger ayaa qiray Robin van Persie oo u cayaara kooxda Manchester United in uu weli ka mid yahay kooxda Arsenal “.

Van Persie ayaa u dhaliyay 100 gool kooxda Gunners isagoona toddobo jeer uu dhaawacmay.

Xidigga reer Dutch ayaa ugu biiray Old Trafford adduun lacageed £24 million wuxuuna ka mid yahay cayaartoyda lafdhabarka kooxda Man United.

Wuxuu dhaliyay goolal ay ku jiraan labo kuwaasoo ka dhashay kooxdiisii hore, wuxuu gacan ka siiyay kooxda Man U in ay ku guuleesato horiyaalkii 20-aad xagaagii la soo dhaafay.

“Aad ayaan ugu farxaa in aan arko isagoo xiran fannaanada United in kastoo uu weli ka mid yahay kooxda  Arsenal , waa cayaaryahan aad u da’ yer oo si fiican u cayaara wuxuu noqday mid ka mid xidiggihii ugu fiicnaa ee u soo cayaaraha Arsenal,” Wenger ayaa sidaas u sheegay saxaafadda.

Kooxda Man United ayaa maalinta berri la cayaareysa kooxda Arsenal horiyaalka Premier League .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here