Wenger oo yiri kaalinta afaraad ayaan galeynaa

Wenger oo yiri kaalinta afaraad ayaan galeynaa
Wenger oo yiri kaalinta afaraad ayaan galeynaa

Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxda Arsenal ay awood u lee dahay in ay ku dhammeesato xilli cayaareedkan in ay gasho kaalinta 4-aadoo isku heestaan Everton iyo ay ku guuleestaan koobka FA Cup oo ay fiinaalkiisa soo gaareen.

Gunners ayaa u soo baxday Fiinaalka FA Cup-ka kaddib markii Axaddii ay rigoore uga adkaatay kooxda  Wigan oo heesatay koobkan.

Arsenal waxay isku soo aadeen kooxda Hull City oo ay ku ballansan yihiin garoonka caanka ee Wembley.

Isagoo la hadlaayay wariyaasha macallinka reer Faranse ka hor cayaarta ay la lee yihiin horyaalka Premier League West Ham, Wenger ayaa amaanay taageerayaasha kooxda isagoona yiri cayaar aad u xiiso badan ayaa ka dhici doonta garoonka Wembley.

Arsenal ayaa waji doonta Hull cayaarta ka dhacesa Wembley on bisha May 17 kaddib marka uu soo dhammaado horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo cayaarta ugu dambeesay ay la ballansan yihiin Norwich City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here