Wenger oo u dhaqaaqay soo xero gelinta Balotelli

superTababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger, ayaa gudo galay sidii uu Mario Balotelli markale ugu soo celin lahaa Horyaalka Ingiriiska.

Goor sii horaysay ayaa la shaaciyay in shirkada samaysa qalabka Spotiga ee Puma ay diyaar u tahay inay u soo iibiso Arsenal weerar yahanka kooxda AC.Milan Super Mario Balotelli maadama shirkadaan ay heshiis kula jirto kooxda Arsenal iyo waliba laacib kaan.

Arsenal ayaa doonaysa inay ka faa,idaysato xaalada aan wanaagsaayn ee u dhaxaysa Balotelli iyo maamulka AC.Milan iyo waliba laacib ka oo doonay inuu ka soo muuqdo Champions League xili ciyaareed ka danbe taas oo u fududaynaysa Arsenal inay hesho 23 jirkaan xulka Italy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here