Wenger oo Ozil la barbardhigay Dennis Bergkamp

ooziilOzil ayaa dhaliyay gal gool islamarkaana caawiye ka ahaa gool kale iyadoo Arsenal ay hogaanka la wareegtay, waxaana Wenger uu waqti uu ku amaano u qaatay xiddigihiisa baaska mucjisada leh ee Mesut Ozil.

Waxaad eegtaa tirooyinka. Caawintii uu sameeyay ayaa u hadleysa isaga” ayuu yiri Wenger markii la weydiiyay haddii Ozil uu yahay xiddiga ugu fiican Premier League.

“Waxa uu noqday ciyaaryahan cajiib ah oo dhameystiran. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartiisa. Hubaashiina waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Yurub. Booskiisa waxa uu ku yahay fantastik.

“Bergkamp ayaa gooldhalinta kaga fiinaa, Bergkamp ayaana dhanka caawinta kaga badnaa laakiin haatan Ozil waxa uu noqonayaa mid gooldhalinta ku fiican sidaasi darteed waa ay isku dhigmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here