Wenger oo heshiis la galaya Arsenal

Wenger wuxuu saxiixi doonaa heshiis cusub, siddaas waxaa yiri Arsenal
Wenger wuxuu saxiixi doonaa heshiis cusub, siddaas waxaa yiri Arsenal

Arsene Wenger ayaa saxiixi doona heshiis cusub si uu si joogo kooxda Arsenal kaddib maadama uu heshiiskiisa ku egyahay xilli cayaareedka 2013 iyo 14, siddaas waxaa sheegay isku duwaha koxda Ivan Gazidis oo saxaafadda la hadlay.

64-jirkan ayaa heshiiskiisa dhacay xilli cayaareedkan waxaana socda wada xaajood uu u socdaa maamulka kooxda iyo tababbarraha reer France.

“Waxaan rajeeneynaa in Arsene oo aan taageerno in uu la sii joogayo Arsenal,maadama muddo dheer uu joogay kooxda” ayuu yiri Gazidis.

Gazidis ayaa hadalkan sheegay markii koooxda ay sameesay Rikoor cusubm kooxda ayaa hadda hoggaanka u heysa horiyaalka Ingiriiska.

Arsene Wenger, ayaa ka mid ah Tababbarrayaasha muddada dheer joogay dalka Britain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here