Wenger oo daafacyadiisa uga digay Suarez & Sturridge

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger, ayaa sheegay in labada Ciyaaryahan e Liverpool Suares & Sturridge, ay yihiin weeraryahanada ugu halista badan Horyaalka Ingiriiska.

article-2483222-190AB27200000578-706_634x507

Wenger oo maanta shir jaraa’id qabtay kahor kulanka uu beri wajihi doono Liverpool, ayaa daafacyadiisa uga digay ineey il gaar ah u yeeshaan Sturridge iyo Suares.

Arsenal, ayaa sanadkaan haysata hal weeraryahan oo kaliya, waana Olivier Groud, kaasoo qaab ciyareed ahaa ka duwan sanadkii hore, waxaana sanadkaan uu soo bandhigay Ciyaaro aad loo jecleysto.

article-2483222-19113F2500000578-974_634x451

Arsenal, ayaa kulanka beri weyn doonta Yaxaaskooda Flamini, kaasoo dhaawac ku maqan, balse waxaa lagu wadaa inuu soo laabto isbuuca danbe, markaasoo ay wajihi doonaan Manchester United.

Mikel Arteta, ayaa isna ku maqnaan doona Ganaax, kadib markii uu Calaamada Casaanka qaatay Isbuucii hore, kulan ay kooxdiisa 2/0 ku sul daartay naadiga Crystal Place.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here