Wenger oo amaanay Rosicky kadib bandhigii shalay Sawiro

Xidiga qadka dhexe ugu Ciyaara Arsenal Thomas Rosicky, ayaa shalay soo bandhigay ciyaar aad loola dhacay, waxaana uuna horseed u ahaa guushii ay shalay Arsenal ka gaartay naadiga West Brom, kadib markii uu saxiixay labada gool ee ay the Gunners-ka ku adkaadeen.

Mustaqbalka Rosicky, ayaa ahaa mid uu shaki kujiro, maadaama uu dhowr jeer dhaawacmay, waxaana goordhow uu kasoo bogsaday dhaawac uu mudo garoomada kaga maqnaa, laakiin shalay waxa uu ahaa Man of the March.

Kadib labadii Gool ee uu shalay ka dhaliyay West Brom, Arsene Wenger, waxa uu amaan kala dul dhacay Rosicky, waxaana uu shegay in 32 jirkaan uu wali mustaqbal ifaayo ku leeyahay garoonka Emirates.

“Tomas waxa uu shalay ahaa Fantastic, waa ciyaaryahan anaga muhiim noo ah, waxa uu mudo ku maqnaa dhaawac dheer, laakiin hada waxa uu kusoo laabtay wadadii guusha” sidaa waxaa yiri Arsene Wenger.

Inkastoo ay shalay Arsenal adkaatay, hadana waxay ahayd guul loo rafaaday, waxaana 20kii daqiiqo ciyaarta ugu danbeysay lasoo saray Arsenal weerar xoogan, ka gadaal markii uu calaamada casaanka qaatay ciyaryahan Mertesacke, oo qalad bareer ah diilinta ganaaxa kula galay mid kamid ah ciyaaryahanada West Brom.

“Ciyaartii shalay waxaan soo bandhignay 2 awood, mida koowaad oo ahayd inaan anaga kubada maamulnay oo aan goolal dhalinay, iyo mida labaad oo ahayd inaan samaynay difaac adag, kadib markii mid kamid ah ciyaaryahanadeeda daafaca ciyaarta laga saaray” sidaa waxa yiri macalin Arsene Wenger.

Arsenal, ayaa hada soo fariisatay kaalinta 4-aad, waxayna haldhibic ka horeysaa naadiga Chelsea oo galabta laciyaari doonta Sunderland, hadii ay Chelsea adkaato Arsenal waxay usoo dhaadhacee kaalinta 5-aad waxaana looga gali doonaa 2 dhibcood.

Kala horeynta Horyaalka Ingiriiska:

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here