Wenger iyo Odemwingie oo ku guuleystay abaal marinta bilaha ah ee horyaalka Ingiriiska

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la yaabay marki uu maqlay inuu yahay macalinka ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska bishi tagtay, isaga oo ku tilmaamay arrinkaasi mid lagu qaldamay.

Wenger ayaa si weyn ugu jabay kulanki ay Arsenal bishi hore la ciyaartay AC Milan ee ka tirsanaa koobka Champions League oo loogaga badiyey 4-0 iyo isaga oo ka haray tartanka FA Cup, hase yeeshee waa kooxda kaliyah ee bishi February aanan laga badin horyaalka Ingiriiska.

“Hadii aad aqrisay wargeysyada bishi labadi asbuuc ee lasoo dhaafay, waxaad oraneysaa waxa jira qalad, waxaan u maleynayaa in ay ka hadlayaan qof aanan aniga aheyn oo ay igu qaldeen abaal marinta, runti waa wax aan aad ula yaabanahay mana fahmi karo in aan noqdo macalinki ugu fiicnaa bishi hore,” ayuu yiri.

Arsenal ayaa soo xareysay 10 buundo afarti kulan ee ay ka ciyaartay horyaalka.

Wenger ayaa abaal markintan ku guuleystay 12 jeer, 15 xilli ciyaareed oo uu la joogo Arsenal.

Dhanka kalana weeraryahanka kooxda West Bromwich Albion ee dalka Ingiriiska Peter Odemwingie ayaa ku guuleystay abaal marinta billaha ah ee laacibka ugu fiican horyaalka Premier League.

Laacibkan u dhashay dalka Nigeria ayaa u dhaliyey  shan gool bishi February kooxdiisa, waxaa ku jirtay sadex gool oo uu saxiixay kulanki ay 5-1 ku garaaceen Black Country.

Odemwingie ayaa laba kale ku sii daray asbuuci hore kulanki ay 4-0 kaga adkaadeen naadiga Sunderland, waxa ay noqoneysaa marki sadexaad oo uu qaato abaal marintan.

Kadib marki uu 15 gool ka dhaliyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedki lasoo dhaafay ayuu Odemwingie xilli ciyaareedkan ku bilowday hab daciif ah isaga oo dhaliyey shan gool 21 cyaarood.

Laakin waxaa la rajeynayaa labada bilood ee ka dhiman horyaalka inuu wax badan dhalin doono.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.