Wenger cayaartoodii uu rabay bishii January ma helin

Wenger cayaartoodii uu rabay bishan January ma helin
Wenger cayaartoodii uu rabay bishan January ma helin

Tababbarraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa qiray in cayaartoydii uu filaayay in uu la soo wareego bishii  January uusan helin, kaddib markii uu ku guul dareestay xidigga qadka dhexe ee Schalke,Julian Draxler.

Wenger ayaa aad u doonayay Draxler, balse cayaaryahanka 20-jirka ee reer Jarmal ayaa la sheegay in uu ku xirmay suuqa cayaartoyda Yurub.

Si kastaba, Wenger ayaa xaqiijiyay Draxler in uusan ku biirin kooxda Arsenal bishan, laakin Arsenal waxa ay rajeeneysaa in hesho cayaartoy kale marka uu suuq furmao dhowr bil kaddib.

Arsenal ayaa la tacaaleysaa dhaawaca soo gaaray  Nicklas Bendtner, waana taas mida keentay in la raadiyo Draxler.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here