Welbeck oo ku booriyay Manchester United in ay isbadal la imaado

Welback oo runta u sheegay Man United
Welback oo runta u sheegay Man United

Weerar yahanka kooxda Manchester United ,Danny Welbeck ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo afjaro guuldarada iska daba kacday kooxda kaddib markii seddax jeer oo xiriir ah laga adkaadaay tan iyo sannadkii 2001.

Man United ayaa kulankii ugu dambeeyay waxaa 2 iyo 1 uga adkaatay kooxda Sunderland, waxaa kaloo ka horreeyay Tottenham iyo Swansea oo iyagana ka adkaaday.

“Waxaan wax badan ogahay walaac heesya taageerayaasha, waayo waxaa nahay horiyaalka Ingiriiska, waxaan u baahanahay in aan dib u soo celiyo guulihii nalooga bartay,” ayuu u sheegay wariyaasah Welbeck.

“Guul darro seddax jeer ma ahan wax nagu filan waxaan u baahanahay in aan is horrumarino aan is dabaqabano, maxaa yeelay waxaa nahay koox weyn” ayuu markale yiri.

Danny Welbeck ayaa ka xumaaday in kooxda laga ciribtirokoobka FA Cup waxaana ka adkaatay kooxda Swansea.

Haddaba waxaa dhaliilaha ugu badan loo jeediyay tababbare Moyes, kaasoo hadda culeys ballaaran uu saaran yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here