Weeraryahankan Chelsea Torres 20 kulan uu saftay aan wax gool ah dhalin.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Fernando Torres oo  £50million ugu fadhiya kooxda Chelsea ayaa ku guuldareystey ciyaartii labaatanaad ee uu u safto kooxda in kubbada uu shabaqa taabsiiyo ama uu gool dhaliyo.

Torres ayaa 15 jeer oo kaliya taabtay kubbada qeybtii hore ee uu ciyaaray kulan ay kooxdiisu la ciyaartay naadiga Bermingham kulan ka tirsan FA Cup waxana uu garoonka ka baxay iyadoo hal gool lagu leeyahay kooxdiisa.

Weeraryahanka reer Spain ayaa waxaa lagu bedelay Didier Drogba oo dhowaan ka soo laabtay koobka qaramada Afrika iyadoo xulka dalkiisa loogaga guuleystey rigoorayaal ciyaartii finalaha ahayd ee ay wada ciyaareen xulka Zambia.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Drogba ayaa markii uu soo galay waxaa u suurtogashay in uu ka caawiyo Daniel Sturridge goolkii barbaraha oo ay waqti dambe heleen iyadoo kulan kale ay wada ciyaari doonaan labada koox ayna ciyaarta ka dhici doonto garoonka St Andrew.

Torres oo haysta rikoorka laacibka ugu qaalisan ee dalka Ingiriiska ayaan wax goolal ah dhalin labaatan kulan.

Tababaraha Chelsea Villas-Boas ayaa diidey inuu wax eedeyn ah u soo jeedio ciyaarta kadib weeraryahankiisa isagoo yiri: ‘Waxba iigama jiro inuu dhaliyo goolal, balse haddii uu dhaliyo waxa uu noqon doonaa qof kale.’

Qaabciyaareedka aan wanaagsanayn ee Torres ayaa dhalisey in la yiraaho tababaraha Chelsea sabarkii ayaa ka dhamaaday.

Torres ayaa afar gool oo qura dhaliyey xilli ciyaareedkan iyadoo goolkiisii ugu dambeeyeyna uu ahaa mid uu ka dhaliyay kooxda Genk kulan ka tirsanaa Championka  October 19 2011.