Weeraryahanka Schalke Huntelaar oo biyo qabow ku shubay inuu u wareeego Man United. .

Weeraryahanka ka soo jeeda dalka Holland Klaas-Jan Huntelaar ayaa ku adkeysanaya in uu ku faraxsan yahay ka mid ahaanshaha naadiga Schalke inkastoo ay dooneyso kooxda Man United.

Sir Alex Ferguson ayaa in muddo ahba aad u jeclaa laacibkan 28jirka ah oo qaab ciyaaredkiisu uu wanaagsanaa tan iyo markii uu ku biirey kooxda ka dhisan dalka Jarmalka kadib markii uu ka dhex muuqan waayay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Laacibkan ka mid ah xulka Holland ayaa 15gool dhaliyey 16 kulan oo uu u saftay horyaalka Bundesligaha xilli-ciyaareedkan sidoo kale waxa uu lix gool ka dhaliyey 7 kulan oo champions League ah.

Laacibkan ayaa lala xiriirinayay inay suurtogal tahay in lagu bedesho Dimitar Berbatov bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyadoo kooxda Man United ay weeraryahanadeeda la dhutinayaan dhaawacyo soo gaaray sida Danny Welbeck, Javier Hernandez iyo Michael Owen.

Balse Huntelaar ayaa ku adkeysanaya in uu doonayo oo kaliya kooxdiisa Schalke.

‘Waxba kama ogi doonitaanka la sheegayo ee kooxda Manchester United,’ ayuu Huntelaar u sheegay wargeyska ka soo baxa Jarmalka ee  Voetbal International.

“Xitaa war suuqeed ma sii sheegayo aniga waxaa xooggeyga isugu geynayaa kooxda aan u ciyaaro ee   Schalke.”ayuu sii raaciyey.

‘Waan oggolahay in aan la hadlo ciddii si tartiib ah iigu timaado markaas ayaana arki doonaa wixii dhaca, kaasna waa mowqifkeyga marwalba’ayuu sii raaciyey.

‘Heshiiskeygu wuxuu ku eg yahay illaa xaggaaga 2013ka, haddii ay Schalke ay dooneyso inaan wadahadal galno waan la hadli doonaa.’ayuu sii raaciyey.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Jeventus Milos Krasic iyo sidoo kale kubad sameeyaha  Anderlecht eeLucas Biglia balse  Sir Alex Ferguson ayaa ka dhowaajiyey in suuqa uu geli doono oo qura marka la soo bandhigo laacib heer sare ah ama ay sii xoogeysato dhaawacyada hareeyey laacibiintiisa.

Ashley Young ayaa toddobaadkan ku biirey liiska dhaawacyada culus ee ay hore ugu jireen Nemanja Vidic, Anderson, Owen iyoTom Cleverley, halka  Darren Fletcher  uu kaga maqan yahay kooxda cudur kaga dhacay caloosha.

Si kasta ha ahaatee,Ferguson ayaa aaminsan in uu haysto ciyaartoyd wanaagsan isla markaana aysan qorshaha ugu jirin in suuqa uu galo bisha Januaray.