Weerarada burcad badeedka caalamka oo hoos ugu dhacay %54

Hey’ada Badaha Caalamka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarada burcad badeeda caalamka ay hooos ugu dhacday boqolkiiba 54 lixdi bilood ee ugu horeysay sanadkaan 2012.

Hey’adan oo xarunteedu tahay magaalada Kualalampur ee xarunta dalka Maleysia arintan ku sheegtay dagaalka uu caalamka kula jiro burcad badeedka oo la balaariyey gaar ahaan maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee ku roondeysa xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 177 weerar ay qaadeen burcad badeedka inti u dhaxeysay bilihi January iyo June, waxa ay aad uga yartahay weerarki sanadki hore ee bilahan oo kale oo ahaa 266 weerar.

Laakin burcad ayaa u suura gashay in ay qafaashaan 20 markab iyo 334 badmaaxe halka ugu yaraan la dilay afar ka mid ah afduubayaashaasi.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa haatan intooda badan ka fogaaday xeebaha, taasina waxay ka danbeysay marki qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ay ku xakumeen xabsiyo fara badan qaar ka mid ah burcad badeeda oo ay qabteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here