Kooxda The Blues-ka ayaa shegetay in weeraryahankeeda reer Belgium uu sii joogi doono kooxda West Ham, laakin waxa uu waqtiga uu sida amaahda ugu joogayo ay ku egtahay Isniinta soo socota.
Bishan January ayaa waxa dib u furmay suuqa ciyaartoyda lagu kala wareego, qaarada Yurub.
Ciyaaryahanka ayaa la sheegay in uu sii joogi doono Hawthorns, taasoo ka dhigan in weli u ciyaari doono kooxda West Ham.
19-jirkan ayaa ka caawiyay kooxda in kaalinta lixaad ay soo gasho kala horeynta horiyaalka Ingiriiska.
Ciyaaryahankan reer Belgiam ayaa hadda u muuqda mid aysan fursad uga bannaaneen kooxda Chelsea iyo garoonka Stamford Bridge, waayo kooxda dhawaan waxa ay la soo wareegtay weerar yahankii hore Newcastle Demba Ba, waxa kaloo joogay Fernando Torres mana jirto fursad meeshaas ka furan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com