Weerar xalay lagu qaaday waqooyi bari dalka Kenya

Dableey hubeysan ayaa xalay weerartay laba baar oo ku taala magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya halkaasi oo ay ku dhinteen laba ruux kuna dhaawacmeen tobaneeyo ruux.

Goobta la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa xiligaasi dad fara badan oo u dabaal dagayey sanadka cusub ee 2012 oo xalay saqdi dhexe curtay.

Mid ka mid ah shaqaalaha baararka la weeraray ayaa sheegay in uu arkay baabuur usoo dhawaaday baarka kaasi oo rasaas ooda uga qaday dadka kadibna cararay.

“Nimanka gaariga watay waxay rasaas ku fireen marka hore waardiyihi albaabka joogay, kadib waxay toogteen qof walba oo soo baxayey iyo kuwi gudaha ku jiray,” sidaa waxaa yiri goob jooge diiday in magaciisa la shaaciyo.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Waqooyi Bari Leo Nyongesa ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen laba ruux, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 28 kale oo ay ku jiraan saraakiil dhinaca amaanka iyo haween.

Isbitaalka magaalada Gaarisa ayaa la dhigay dhaawacyada intooda badan waxaana xalay ka jiray magaalada wal wal iyo cabsi fara badan.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inuu dhintay qof kale oo sadexaad oo dhaawac ahaan loo geeyey isbitaalka xalay waqtiyadi danbe.

Todobaadki hore ayey aheyd marki bam lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taala degmada Wajeer ee isla gobolka waqooyibari Kenya halkaasi oo ay ku dhaawacmeen dhowr ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.