Weerar xalay lagu qaaday Saldhiga Yaaqshiid iyo dagaalo ka dhacay Xoosh iyo Ex-koontarool

Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday Saldhiga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo dhacay xalay saqdi dhexe ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah degmada Yaaqshiid, waxaana marki danbe uu istaagay kadib marki ciidanka dowlada ay iska difaaceen kooxihi soo weeraray sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Muxudiin Xasan Jurus oo ah gudoomiyaha degmada Yaaqshiid sheegay in ay dhabar jebiyeen waxa uu ku sheegay kooxo tuugo guryaha u boodo ahaa oo weeraray saldhiga Yaaqshiid.

Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi, iyaga oo tilmaamay in ay ku dileen ciidamo ka tirsan ilaalada saldhiga Yaaqshiid.

Dhanka kalana dagaalo ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan, xaafada Xoosh iyo Ex-koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo u dhaxeeyey Al Shabaab iyo ciidamada dowlada KMG oo kaashanaya AMISOM ayaa si iskiis ah u qaboobay, iyadoo aanan la ogeyn qasaaraha labada dhinac soo gaaray hase yeeshee madaafiic ku dhacday deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ku dhaawacmay afar ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.