Weerar xalay lagu qaaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Rag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen hal ruux sidoo kalana ku dhaawaceen shan kale.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay ka hortageen kooxo isku dayay inay ka gudbaan xeyndaabka ammaanka laga sugayay goobta Caweyska aheyd, hase ahaatee ay raggaas rasaas ku soo fureen, kadibna ay bambaanooyin soo tuureen.

Ragga hubeysan ee weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo booliska aanu u suura gelin inay soo qabtaan, hase ahaatee saraakiisha ayaa waxay leeyihiin inay ka hortageen ujeedka weerarkaas laga lahaa.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Mombasa, waxaana ku jira qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee sugayay ammaanka goobtii Caweyska aheyd.

Booliska Kenya ayaa durba arrintan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, hase ahaatee ma jirto wax war ah oo ka soo baxday Shabaab oo ku aadan weerarkaas.

Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay wajaheysay mowjado weeraro qaraxyo ah, iyadoo kii u dambeeyay bishii April dhamaadkeeda lagu qaaday weerar goob Kaniisad aheyd oo dadka ku cibaadeysanayeen, kaasoo ay ku dhinteen saddex ruux tobanaan kalena ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.