Weerar xalay lagu qaaday Kismaayo

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa xalay weerar xoogan waxay ku qaadeen xaruunta Jaamacada magaalada Kismaayo oo ku taal dhanka waqooyi ee magaalada.

Jaamaca Kismaayo ayaa waxaa dagan hooyna utahay wafdi kayimid magaalada Nairobi Siyaasiyiin iyo odayal dhaqameedyo u gogol xaaraya maamul usamaynta gobolada Jubooyinka.

Weeararka ayaa bilaawday abaare  9:00 fiidnimo, waxaana magaalada oo dhan laga maqlayey hubka culus- gaar ahaan baasukayaal iyo bambooyin lagu soo weeraray xarunta Jaamacadda iyadoo ciidamo waardiye ka ah xaruntana ay rasaas culus ku jawaabeen.

Ilaa iyo hada wax faahfaahin ah lagama haayo qasaaraha kadhashay weerarkaas laakiin warar aan laxiqiijin ayaa sheegaya inuu jiro qasaaro soo gaaray soo duulayaasha weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa saaka degan gguud ahaan magaalada Kismaayo, walow ururka Al Shabaab aysan ka hadlin weerarkan xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee iyaga lagu eedeeyay.

Al Shabaab ayaa horey u sheegtay dhowr jeer oo weeraro lagu qaaday xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here