Weerar miino ah oo lagula eegtay ciidamo ka tirsan Dkgaarka ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu qarax xoogan ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo iyadoo qaraxaasi uu ahaa mid la doonayay in lagu waxyeelleeyo ciidamo ka tirsan dkgaarka ah ee magaalada Baydhabo.

Hase yeeshee qaraxan oo ahaa nooca miinada remotka laga hago ayaa waxaa faro cidiyo leh ugaga fakaday ciidamo saarnaa baabuur tikniko ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka badbaadeen qaraxan balse qaar kamid ah dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka halka ay miinada ka qaraxday ayaa ku dhaawacmay.

Dhaawaca dadka rayidka ah ayaa la tilmaamay inuu ka dhashay kadib markii ciidamadii qaraxa ka badbaaday ay rideen rasaas.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii ka dambeeyey qaraxan miinada ah.

Ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa hore ugaga bixiyey miinooyin lagu aasay dhulka  xabsigana dhigey dad badan oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyaan qaraxyada ka dhacaya magaalada Baydhabo.