Weerar ka dhacay Degmada Mahadaay [Wararkii u dambeeyay]

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab oo wadada u galay kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Cali-fooldheere oo dhanka Waqooyi uga beegan degmada Mahadaay, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaallo culus.

Cidanka Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee wadada loo galay ayaa ka ambabaxay dhanka degmada Mahadaab waxayna kusii jeedeen degaanka Cali-fooldheere.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen iyada oo Ciidanka AMISOM ay Saad u wadeen Ciidamo kale oo ku sugan degaanka Cali-fooldheere in mar qura ay maqleen jug xoogan iyo rasaas la is weedaarsaday.

Warar madax banaan ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyada oo sidoo kale wararku ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM laga gubay Hal gaari oo nuuca dagaalka ah.

Ciidamada AMISOM ayaa iska caabiyay weerarka labada jiho ahaa ee Shabaab ay ku soo qaadeen, waxaana ay ridayeen qoryo culus oo ay isaga caabinayeen weerarkaasi, sida dadka degaanka ay inoo sheegeen.

Inta badan ciidamada Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah u dhiga kolonyada gaadiidka AMISOM ee ku safra wadooyinkan, weli maamulka Hirshabeelle lama uusan imaan talaabo cad oo uu wax kaga qabanayo dhibaatada ka taagan degaanadiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here