Weerar ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay magaalada Beledweyne

Qof naftiis hure ah ayaa isku qarxiyey xarunta Gobolka ee magaalada Beledweyne halkaasi oo sida la sheegayo ay ku sugnaayeen ciidamo isugu jira Itoobiya iyo kuwa maamulka dooxada Shabelle.

Weerarka isqarxinta ah oo loo adeegsaday gaari Hoomeey ah ayaa dhacay saakay, iyadoo wariyaasha ay soo sheegayaan in la toogtay ninka is qarxiyey marki uu kusoo dhawaaday xarunta maamulka.

Wali lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa ku sugan ciidamo badan oo xiray hareeraha xarunta maamulka gobolka.

Ciidamada Itoobiya oo isaga yimid meelo badan oo magaalada ah ayaa hada wada baaritaano balaaran, waxaana guud ahaan albaabada u laaban xarumaha ganacsiga oo aysan ganacsatada wali furin maadaama ay aheyd xilli subax ah.

Xarakada AL Shabab ayaa sheegatay qaraxaasi, waxaana war kasoo baxay lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen ciidamo Itoobiyaan ah oo saf ku jiray balse ma sheegin tirada ay ku dileen.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.