Weerar dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday xaruunta Srael ee Tel Aviv

Weerar lagu qaaday Tel Aviv
Weerar lagu qaaday Tel Aviv

Booliska Israel iyo howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in laba nin oo Falastiiniyiin ah ay rasaas ku fureen goob ku taalla magaalada Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 4 qof.

Kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa sheegay in 13 qof oo kale ay ku dhaawacmeen rasaastaasi ka dhacday suuqa dukaameysiga ee Sarona, kaasoo waxyar u jira wasaaradda difaacada ee dalkaasi.

Micky Rosenfeld, afhayeenka booliska Israel, ayaa sheegay in suuqa uu xilligaasi ahaa mid ay dad badan ka dukaameysanayeen.

3511196200000578-3631982-image-a-12_1465421628507

Mr Rosenfeld ayaa intaa raaciyay in xilliga uu weerarka dhacayay ay goobta ka agdhawaayeen ciidammada ammaanka.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa booqday goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana uu cambaareeyay kuwa weerarka ka dambeeyay.

Booliska ayaa hadda gacanta ku haya laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay weerarka fuliyeen, mid ka mid ahna waxa uu qabaa dhaawac rasaas kasoo gaartay.

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here