Weerar dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Gaarisa

Koox hubaysan ayaa xalay sagaal qof ku toogtay magaalada Gaarisa ee xarunta u ah gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Ragga hubaysan ayaa weeraray Hotel Kwa Chege oo ku yaalla waddada Masjidka Jameeca, waxayna ku fureen rasaas iyagoo adegsanayay qoriga AK47. Lix qof ayaa isla goobta ku geeriyootay, halka saddex kalena ay mar dambe dhaawacyadii gaaray u geeriyoodeen.

Wargayska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa saraakiisha bilayska ka soo xigtay in raggii hubaysnaa oo aan la aqoonsan ay goobta durba ka baxsadeen.

Weerarka wuxuu dhacay 7-dii iyo bar fiidkii.

Ciidamada bilayska ayaa illaa xalay waday howlgallo lagu baadi-goobayo dableyda weerarka gasytay.

Ammaanka magaalada Gaarisa ayaa sii xumaanayay tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya, halkaas oo ay kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab.

Inta badan waxaa lagu eedeeya weerarada ka dhaca Gaarisa Al-Shabaab kuwaasoo wacad ku amaray in ay ka aar goosan doonaan Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here