Weerar bambaano oo lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Nairobi

Ugu yaraan hal carruur ah ayaa ku geeriyooday siddeed kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii bambaano lagu tuuray kaniisad ay wax ku baranayeen magaalada Nairobi.

Weerarkan oo dhacay xilli ay carruurta wax ka barata kaniisadaas ay fasaladoodii ku jireen ayaa waxaa meesha ka baxsaday qofkii tuuray bamka.

Weerarka bamka kadib ayaa dadweyne faro badan oo haysta diinta masiixiga waxa ay weerareen deegaanka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii hase yeeshee dadkaas ayaa waxaa kahortagay inay dhibaato geystaan booliska dalka Kenya.

Hase yeeshee booliska magaalada Nairobi ayaa xabsiga dhigey saddex weriye Soomaali ah oo u shaqeynayay taleefishinka Horncable waxayna boolisku sheegeen inay su’aalo weydiinayaan weriyaasha. Weriyaasha ayaa la sheegay in ay filim ka qaadayeen burburka uu geystey qaraxa ka dhacay kaniisadda.

Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay qaraxan inkastoo uu dhacay maalin kadib markii ay ciidamada Kenya galeen magaalada Kismaayo ee Soomaaliya.

Magaalada Nairobi ayaa weerarada ka dhaca waxaa sheegan jirey ururka Alshabaab oo dagaal kula jira ciidamada Kenya ee haatan hoostaga AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here