Weerar Bambaano oo lagu qaaday baar ku yaal magaalada Laascaanood

Weerar lagu qaaday baar lagu shaahayay oo ku yiil bartamaha magaalada Laascaanood ayaa waxyeelo ka soo gaartay qaar kamid ahaa dadkii ku sugnaa baarkaas.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan oo dhacay xilli habeenimo ah uu ahaa bam lagu soo tuuray baarkaas oo xilligaas dhalinyaro badan ay ku sugnaayeen. Hase yeeshee lama sheegin cid ku dhimatay.

Weerarkan ayaa la xaqiijiyey in saddex ruux ay ku dhaawacmeen kuwaas oo haatan lagu daweynayo isbitaalka magaalad Laascaanod. Sidoo kale waxaa weerarkan ka dhashay qasaare soo gaaray baarka.

Ciidamada Booliiska ayaa saaka wada howlgalo sida la sheegay lagu baadi goobayo cidii ka dambeysay qaraxyadaasi inkastoo ilaa iyo iminka aysan jirin cid gacanta lagu soo dhigay.

Degmada Laascaanood ee xarunta gooblka Sool ayaa waxaa maamula ciidamo taabacsan Somaliland halka ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda maamulk Somaliland oo ku nool deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sool.

 

 

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here