Weerar ay ku qaadeen xeebaha Soomaaliya ciidamada badda midowga Yurub xeebaha Soomaaliya( warbixin faahfaahsan)

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa markii ugu horeysey ku weeraray helicoptaro xeebta dalka Soomaaliya saldhigyo ay burcad badeed ku lahaayeen xeebaha Soomaaliya.

Mid kamid ah burcad badeeda ayaa waxa uu sheegay in la burburiyey keydadkoodii aynadayuuradahii soo weeraray dib u laabtaan.

Lama soo sheegin wax dhimasho ah weerarkii lagu qaaday subaxnimadii talaadada deegaanka Xandulle oo 18km dhinaca ka xigta magaalada Xaradheere. Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamada howlgalada qaaday aysan dhulka u degin intii uu howlgalku socday.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa bishii March ku dhowaaqday in ay fidin doonaan howgaladooda dhinaca dhulka gaar ahaan xeebaha Soomaaliya markii ugu horeysey.

Mid kamid ah hogaamiyaasha burcad badeeda oo lagu magacaabo Bile Hussein ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xeebaha Soomaaliya lagu burburiyey doomanka dheereeya,keyd shidaal iyo baqaaro ay hub ugu keydsanaayeen.

“Waxa ay dambas ka dhigeen qalabkeenii oo dhan. Halka la weeraryana waxa ay inoo aheyd keyd muhiim ah,”ayuu yiri  Hussein said. “Shidaalkii wuu holcay wuuna baaba’ay. Wax badbaaday malahan.”

Hussein waxa uu intaa ku daray in sagaal doon oo nooca dheereeya ah la burburiyey iyadoo saddex kamid ahna ay diyaar u ahaayeen in howlgal afduub ah qaadaan.

Afhayeenka dowlada Cabdiraxman Cumar  Cisman ayaa sheegay in weerarka la qaaday ay si wanaagsan ugaga warqabeen howlgalka waxana uu tan u yahay farriin cad burcad badeeda oo ah inay ku ogaadaan inaysan ku nabadgeleyn bad iyo berriba.

Midowga Yurub ayaa ah halka ugu weyn ee ay dowlada kumeelgaarka ah ka hesho gargaarka. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa tababara ciidamada Milatariga Soomaaliya waxayna xoojiyaan shan dal oo deris la ah Soomaaliya sidii looga ammaan heli lahaa burcad badeeda dhibaatooyinka ku haysa badweynta Hindiya.

Rubicii ugu horeeyey ee sanadkan ayaa waxaa hoos u dhacay weerarada ay burcad badeeda ay ka sameeyaan badweynta Hindiya. Hase yeeshee illaa iyo 43 weerar oo saddex kamid ah uu ahaa afduub oo kaliya ayaa dhacay marka lala barbardhigo 97 weerar sanad kahor sida ay sheegeen  hay’ad lagu magacaabo International Maritime Bureau oo xaruntoodu tahay magaalada Kuala Lumpur bishii April.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.