Wayne Rooney Oo Loo Magacaabay Kabtanka England Kulanka San Marino

Wayne Rooney ayaa loo magacaabay inuu kabtanka xulka England uu noqdo kulanka Jimcaha ee San Marino isreebreebka koobka adduunka ee 2014.

Tababaraha England Roy Hodgson ayaa ku wareejiyey calaamada kabtanimada Rooney iyadoo ganaax hal kulan ah uu ku maqan yahay Steven Gerrard kaasoo aan ciyaari doonin kulanka San Marino.

Gerrard oo ahayd in uu bedelo Frank Lampard ayaa dhaawac ka soo gaaray jilibka ugaga baaqanaya kulankan  ka dhici doona Wembley.

Goolhaye Joe Hart oo loo saadaalinayay in uu kabtan ka noqdo kulankan ayaa waxa uu taageeray Rooney toddobaadkan isagoo tilmaamay in Wayne Rooney uu yahay qof ku habboon in uu hogaamiyo xulka England.

Rooney oo u saftay xulka dalkiisa 76 jeer ayaa markii ugu horeysey xiran doono calaamada kabtanimada England.

“Waxa ay ii tahay sharaf weyn, waana mid aan aad ugu faraxsanahay,”ayuu yiri.

Gerrard ayaa la wareegi doono kabtanimada England toddobaadka dambe kulanka Poland.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here