Wayne Rooneey oo kulankiisa ugu horeeyay Guul uhorseeday xulkiisa

XulkaEnglandayaa xalay guul kusoo xiray is araga wareega 1-aad kadib markii uu 1-0 ku garaacay xulka Ukrine oo kamid ah marti galiyaasha tartankan.

Bilawgii ciyaarta Ukrine waxa ay weerar aad udaran kusoo qaadeen goolkaEngland,laakiin difaacyada libaaxyada 3-da oo uu kamid yahayJohn terry waxa ay burburiyeen dmacii ukrine ee ahaaineeykadhaliyaan gool dhaqsi ah.

Rooneey oo ku faraxsan goolkii uu ka dhaliyay ukrine
Rooneey oo ku faraxsan goolkii uu ka dhaliyay ukrine

Dhanka kale ciyaartooyda xulkaEnglandayaa weeraro habeysan ku qaadayay goolka Ukrine iyadoo mar uu Rooneey kusigtay inuu gool madaxa ku dhaliyo.

goolkii uu madaxa ku dhaliyay rooneey
goolkii uu madaxa ku dhaliyay rooneey

Qeeybtii labaad ee ciyaarta markii laysugu soo laabtay ayaa ciyaartoyda Ukrine waxay sii laba jibaareen weerarka ay kuhayaan goolkaEnglandsi ay udhaliyaan goolkii ay tigidhada ugu jaran lahaayeen wareega 2-aad ee tartanka Euro 2012balse isku dayadaas maysan miro dhalin.

Daqiiqadii 48-aad ayaa Wayne Rooneey waxa uukadhaliyay gool madaxa uu kusaxiixay kaasooaamusiyay sawaxankii taageerayaasha Ukrine, balse daqiiqadii 52-aad waxaa gool diilinta goosha dhaafay uu saxiixay ciyaaryahanka nambarka 22-aad uwata xulka Ukrine balse garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay wuu iska indho tiray goolkaas, sidaasna waxaa kusoo baxay xulka England oo yeeshay 7-dhibcood halka xulka Ukrine uu kaga haray tartanka Euro 2012.

 

Dhanka kale Xulka Fransiiska ayaa guul daro weyn kala kulmay xulka Swedhan kadib markii lagu garaacay 2-0.

Xulka swedhan ayaa tartankan macsalaameeyay xalay isgaoo wajiga carada kaceshanaya 2-0 ku macsalaameeyay xulka Fransiiska ,labadan xul ayaa qeybtii hore ee ciyaarta kala qeybsaday hab maamulka  iyadoo marna uu hogaanka qabanayay fransiiska marna swedhan,mana jirin wax fursad lagu tilmaami karo oo ay heleen labada dhinac.

Laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wax walbo isbadaleen kadib markii Zlatan ibrahimovic uu daqiiqadii 54-aad ka saxiixay gool aad uqurux badan, inkastoo ciyaartoyda xulka fransiiska ay isku dayeen ineey soo barbareeyaan goolkaas balse ay usuurta galiweysay.

Weerarka xad dhaafka ah ay sooq adayeen ciyaartooyda fransiiska waxaa markale ka faa’iideeystay ciyaaryahan larson kaasoo daqiiqadii 91-aad goolka 2aaddhex dhigay shabaqada faransa taasoo wadnaha goysay dhamaan ciyaartoyda iyo taageerayaasha xulka faransiiska

Inkastoo xalay laga adkaaday xulka Fransiiska hadane waxay usoo baxeen wareega labaad ee tartanka Euro 2012 , faransiiska ayaa yeeshay 4dhibcood sidaas darted waxa ay kusoo baxeen kaalinta labaad halka xulka ingiriiskana uu kaga soo baxay qeybtan kaalinta 1-aa

Saami Addow