Waxgaradka Kismaayo oo eedeeyn usoo jeediyay Waxgaradka Muqdisho Dhageyso

Faarax Axmed Xasan oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobolada Jubooyinka horayna uga mid aha saraakiishii ciidamadii doowladii dhexe ee Soomaaliya, ayaa Odoyaasha dhaqanka beelaha Muqdisho ku eedeeyay in Muqdisho ay ka wadaan Nabad La’aan.

Faarax wuxuu sheegay in muqdisho 1991 uu ka dhacay dagaal fool xun, haatana ay kusii socoto dagaalkaas lamid ah, waxaana uu sheegay in Muqdisho ay wax walbo kasoo bilaawdaan kadibna ay ku faafaan gobolada dalka.

“Foolxumada Muqdisho ayay kasoo bilaabaty 1991 iyadoon gobolada kale dalka ka bilaaban, hadana iyadoo soo noqotay oo Muqdisho ka bilaabaty bey u egtahay, faalo kaloo loo soo qaadan karto ma muuqato” ayuu yiri Faarax Axmed Xasan.

Nabadoonkaan oo kamid ahaa dadkii ka qeyb galay shirkii lagu doortay Axmed Madoobe, ayaa sheegay ineeysan jirin nin sheegan kara madaxweynaha maamulka loogu magac daray jubland, waxaana uu sheegay in Axmed Madoobe kaliya ay u aqoonsanyihiin inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas.

Qaybaha kala duwan ee Odoyaasha dhaqanka eek u sugan magaalada Muqdisho, shir ay horay ugu qabteen waxa ay kasoo horjeesteen maamulka lagu magacaabay Axmed Madoobe, waxaana ay sheegeen in doowlada federaalka Soomaaliya looga danbeeyo.

Dhageyso Waxgaradka ka hadlay Kismaayo

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/odayashakismaayo.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here