Waxgaradka Dega Deegaanada Shabeelloyinka oo ka cabanaya Gudiga Farsamada Xulista Baarlamaanka

Waxgaradka beelaah ka so jeedo degaanada shabeelooyinka ayaa waxey kulan weyn iskugu yimaadeen magaalada Muqdisho iyagoo canbaareen dusha kaga tuuray gudiga farsamada soo xulaya baarlamaanka.

Odayashan oo ku eedeeyay gudiga in ey ka hor istaageen rag ey soo xusheen dadka reer shabeelloyinka kuwaas oo doonayay in ey matalaan balse gudiga ey qaabileen rag aan matali karin beelaha dega gobahaas waa sida ey hadalka u dhigeen.

Waxgaradka ayaa sheegay Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud in ey u doorteen in uu noqdo xildhiban matala beeshaas balse laga biya diiday hadalkooda, Mr Aadan Xaaji ayaa waxaa uu dowladi Farmaajo ka soo noqday wasiir caafimaadka.

Odayasha ayaa waxey kaloo ey sheegeen in gudiga farsamada ey fara gelin ku hayaan mudanayaasha ey beelaha soo xuseen iyagoo sheegay in looga baahanyahay in sharuudaha qofkii la yimaado ey qaabilaan balse ey ayaga wax xulayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here