Waxeey dadka ka dishaa Masaafo dhan 7,850 oo Mile

48172538-cachedWaa gacan ku dhiigle hagta Diyaaradaha aan cidna wadin ee Drones-ka, magaceeduna waa ‘Sparkle’waxeeyna dadka ka dishaa masaafo dhan 7,850 oo Mile.

Haweeneeydan oo katirsan Ciidamada Mareeykanka, ayaa ku sugan Guri yar oo ku yaal Koofurta Las Vegas, halkaas ayayna ka hagtaa Diyaaradaha wax duqeeya ee aan cidna wadin, kuwaasoo bartilmaameedsada shaqsiyaadka uu Mareeykanka u aqoonsanyahay argagixisada.

Anne, ayaa fulisay dhowr duqeyn oo lagu dilay shaqsiyaad katirsan Al-Qaeda iyo ISIS kuwaasoo ku kala sugan, Ciraaq, Afgaanistaan, Syria,Pakistan, Yeman iyo Soomaaliya.

48172318-cached

Adeegsiga Diyaaradaha Drones-ka ayaa si aad ah usoo shaacbaxay xiligii la doortay Madaxweyne Obama, waxaana tan iyo markaas weerarada Diyaaradahan lagu bartilmaameedsaday madax katirsan Urur weynaha Al-Qaeda, sidoo kale waxaa lagu dilay shacab farabadan oo aan waxbo galabsan.

48172319-cached

Mareeykanka ayaa Adeegsiga Droneska u arka mid yareeynaya Qasaaraha Nafeed iyo mida dhaqaale labadaba.

Drones48172319-cached-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here