Waxbadan ka ogaaw Rikooradii uu C.ronaldo xalay sameeyay+Sawiro

Xidiga Real Madrid iyo xulka Portugal C.ronaldo, ayaa xalay kooxdiisa Real Madrid ka saaciday ineey si dhibyar ku dhaafaan deriskooda ay aadka u xifaaltamaan Atletico Madrid oo kusoo booqatay Bernabeu.

C.ronaldo ayaa dhaliyay kulankaas sadexleey kulankiisi 2-aad oo xiriir ah isagoo horay Bayern uga soo dhaliyay.

Hadaba xidigan la celin la’yahay ayaa xalay sameeyay Dhowr Rikoor oo isaga qaas u ah, sida inuu dhaliyay Goolashiisi 101-aad 102-aad iyo 103-aad ee Champion League.

Cristiano Ronaldo ayay u ahayd habeen kale oo taariikhi ah wuxuuna rekoodh cusub ka dhigay Champions Leaque-ga halka uu sidoo kale gaadhay 400 gool ee waayihiisa ciyaareed ee Real Madrid.

Ugu horayn Cristaino Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay gaadha 50 gool oo Champions leaque-ga ah gaar ahaan heerarka finalada ee ka soo bilawda wareega 16 ka kooxood. Wuxuuna Ronaldo rekoodhkan ku gaadhay goolkiisii furitaanka ee uu Atleco Madrid ka dhaliyay halka labada gool ee kale ay ka dhigeen gooalshiisa finalada Chmapions Leaque-ga 52 gool. Sidaa daraadeed, Ronaldo ayaa heerka groupyada Champions Leaque-ga ka dhaliyay 51 gool wuxuuna 52 gool ka dhaliyay min wareega 16 ka kooxood ilaa finalka UCL.

Waxaa tusaale fiican kuugu filan in Ronaldo uu xili ciyaareedkan heerkii groupyada lix kulan ku soo dhaliyay 2 gool oo kaliya halka kulamadii wareegyada 16 kooxood ilaa afar dhamaadka uu ku soo dhaliyay 8 gool waxayna wuxuuna soo ciyaaray shan kulan.

Ku darsoo Ronaldo ayaa 11 gool ka dhaliyay wareega afar dhamaadka Champions Leaque-ga waana 8 gool oo uu Real Madrid u dhaliyay iyo 3 gool uu waqigiisii Manchester United soo dhaliyay. Guud ahaan Ronaldo ayaa Real Madrid tartanka Champions Leaque-ga uga dhaliyay 88 gool kadib markii uu soo ciyaaray 86 kulan wuxuuna sidoo kale sameeyay 23 gool caawineed.

Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rekoodhkii Lionel Messi ee saddexleyda ugu badan Champions Leaque-ga waxayna hadda wada leeyihiin min 7 saddexley oo ay ka soo dhaliyeen Champions Leaque-ga. Waxa kale oo rekoodhada Ronaldo loo diwaan galiyay ka mid ah in uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee laba kulan oo xidhiidh ah ee finalada Champions Leaque-ga saddexley ka dhaliyay.

Sidoo kale ha iloowin in C.ronaldo 20 Gool uu ka dhaliyay Derby Madrid, hadaan si kale u dhigno C.ronaldo ayaa ka goolal badan Atletico Madrid oo dhan maxaa yeelay isagu wuxuu Championka ka dhaliyay 103 halka Atletico waayaheeda ay ka dhalisay 100 Gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here