Waxaan Arkay waxay la mid Tahay Bowdo Raggeed Maalinba mid baa Qaawan!!!

Maqaal1Ma rabo in si khaldan la ii fahmo,ma ahi ruux diidan Amniga Dalka,ma doonayo in dadka qaar ay ii arkaan khaladka aan soo bandhigayo mid aan ku raadsanayo lacag iyo wax la mid ah ee waxaan soo bandhigayaa wixii aan soo arkay.

Ugu horeyn Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay hore ushaacisay inay Amniga Magaalada Muqdisho si weyn usugeyso waxaana Laamaha Amnigu ay bilaabeen qorshe Koontaroolada laga soo galo magaalada ay ku dhigeen ciidan aad ufara badan.

17-kii Bishii Oktoober sanadkii hore 2014 waxa Shabakada Wararka www.Midnimo.com ay daabacday warbixin ay uga hadleysay sida dadka loo weydiinayo damiin marka uu Magaalada soo galayo.

HALKAAN RIIX SI AAD U AKHRISATO WARBIXINTII SEDDEX BILOOD KA HOR DAABACNAY

Hadaba barnaamijkaasi oo ay soo agaasimtay Wasaarada Amniga Xukuumadii Kalsoonida lagala noqday ayaa muddo waxa uu ahaa mid shaqeeyey hase ahaatee xaalku waxa uu noqday mid sidii la rabay aan usii howl gelin.

Iyadoo qorshahaasi lagu doonayey in Amniga Magaalada lagu sugo ayaa hadana waxa gudaha Muqdisho ka dhacay weeraro ismiidaamin iyo qaraxyo kale ah,xitaa weeraro dilal gaadiid ay fuliyeen ayaa magaalada ka dhex dhacay.

“Anigoo mid ka mid ah Koontaroolada laga soo galo magaalada baabuur aan la socday lagu celiyey ayaa dhamaan raggii gaariga saarnaa lagu amray inay soo dagaan,waxay aheyd saacadu 2:15 daqiiqo duhurnimo,inagoo aan wax baaritaan ah marin ama aan nala weydiin wax su’aalo ah ayuu Askari meel gadaal ah fadhiyey yiri raaca baabuurka waa duhur in la baaro waxba masoo kordhineyso waana qorax kuleel,sidii ayaan gaariga ku raacnay”.

Bishii December Sanadkii hore 2014 oo hadda bil laga joogo waxa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Janeraal Xasan Maxamed Xuseen “Muugaab” uu ku dhawaaqay qorshe Koontaroolada qof aan damiin laga heynin uu soo galo.

Sidii si la mid ah markii Wasaarada Amniga Qaranka ciidanka dadka u su’aalayeen ayey ciidanka maalmo kooban dadka ku celinayeen iyagoo damiin weydiinaya Labada Koontarool ee Muqdisho laga soo galo.

“Anigoo ka mid meel banaanka ah Muqdisho doonayeyna inan soo galo Magaalada ayaa waxa imid Koontarool laga soo galo Muqdisho,waxa aan sugayey ayaa aheyd in la i su’aalo meesha aan ka imid iyo waxaan ugu socdo Xamar,diyaar ayaana u ahaa ka jawaabida su’aalahaasi hase ahaatee cid nala hadashay ayaanay jirin oo magaalada sidaas ayaan kusoo galnay”.

Hadaba Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Amniga Muqdisho kusugayaan ma ciidanka ayey ka fadhidaa mise waa maah maahyadii aheyd “Bowdo Raggeed maalinba Mid baa Qaawan”.

Waxaan Ahay Wariye Soomaaliyeed oo Jecel Dadkiisa iyoDadkiisa wixii wax dhisayana soo bandhigaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here