Baarlamaanka cusub oo kulanki ugu horeeyey maanta yeelano

Waxaa saakay lagu wadaa in kulanki ugu horeeyey ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhici doona xarunta Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa marka hore lagu dhaarin doonaa xildhibaanada iyada oo kadibna ay guda gali doonaan kulankooda.

Sida ay wararku sheegayaan kulankaasi ayaa waxaa gudoomin doono ninka ugu da,da weyn, iyadoona laga yaabo in isla maanta la doorto gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Murashaxiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ugu cad cad Prof. Jawaari oo ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka kana soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle.

Xildhibaanada maanta fariisan doono ayaa gaaraya 225 mudane, kuwaasi oo xalay loo qeybiyey kaararkooda aqoonsiga.

Waxaanan wali lasoo buuxin 50 mudane oo ay gudiga Farsamada dib u celiyeen dhawaan.

Gudi ka socday Beesha Caalamka oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa ku baaqay in xildhibaanadi la celiyey aysan odayaasha dhaqanka isku dayin in ay dib usoo celiyaan, iyaga oo taageero u muujiyey gudiga Farsamada oo ay sheegeen in ay waajib tahay in loo madax banaaneeyeo go,aanadooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here