Waxaa Goor Dhaw lagu Dhawaaqay Gudiyada Doorashooyinka Qaranka

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo magacaabay gudiga doorashooyinka qaranka kuwaas oo howsha doorashada dar dar gelin doona.

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyey gudiga doorashada gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayey Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho waxaana shir gudoominayey Gudoonka ay sida KMG ah xildhibaannadu shalay u doorteen General Muuse Xasan Cabdulle.

Xildhibaannada Baarlamaank ayaa kulankooda waxaa ay  ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho waxaana  soo xaadiray  184 Xildhibaan waxaana ay cod gacan tag ah ku anxiyeen gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeennadiisa oo ah xubno ka kooban 15 Xildhibaan.

Magacyada Gudiga la soo xulay Aqriso|:-

1- Caasho Xaaji Cilmi
2- Xasan Macalin Xuseen
3- Nuur Iidoow Beyle
4- Maxamed Maxamuud Guure
5- Sahro Jaamac Cali
6- Ciise Maxamuud
7- Maxamed Ismaaciil
8- Khadiijo Maxamed Diiriye
9- Caadil Sheegoow Sagaar
10- Maxamed Warsame
11- Fowsiyo Maxamed Sheekh
12- Cismaan Libaax
13- Sahro C/qaadir
14- Ciise Maxamed Cali
15- Feysal Cumar Guuleed

Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Ayaa sheegay musharixiinta u tartamaya xilka Gudoomiyaha baarlamaan ey qabashadooda ku eg tahay 26 bishan ee August

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here