Waxaa galabta si rasmi ah usoo gebogeboobay Wareega Labaad ee tartanka Kubadda Cagta G. Banadir

Waxaa galabta si rasmi ah usoo gebogeboobay Wareega Labaad ee tartanka Kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo Ciyaarihii galabta ka dhacay garoonka Coonis Stadiumna ay soo xaadireen Taageerayaal farabadan.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa dhexmartay degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshid waxaana 90kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ay kusoo idlaatay Seddax iyo Hal oo ay ku badiyeen ciyaartooyda degmada Yaaqshiid.

Ciyaarta Labaad ayaa waxa ay dhexmartay degmooyinka Howlwadaag iyo Wadajir waxaana Ciyaartooyda degmada Wadajir u suurto gashay iney si fudud ugu soo gudbaan wareega Semefinalka kadib markii ay Seddex iyo Eber uga adkaadeen degmada Howlwadaag.

Kooxaha Semefinalka u gudbay ayaa kala ah:- Yaaqshiid, Wadajir, Hodan iyo Dharkeenley.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

Press Officer office of the Mogadishu Mayor