Wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya oo la suuq-geynayo

beeroHay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Food and Agriculture Organization (FAO) ayaa maanta ku bahoobay qorshe dib loogu howlgelinayo nidaamkii suuq-geynta wax- soo-saarka beeraha Soomaaliya oo meesha ka maqnaa 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Qorshaha waxaa maalgelinaya Midowga Yurub.

Madaxa beeraha ee FAO, Jose Lopez ayaa sheegay in ay hay’addoodu dhowrkii sano ee la soo dhaafay qeyb weyn ka qaadatay caawinta beeraleyda ee dhinacyada biyaha, dalagga iyo qalabka, isagoo xusay in ay hadda diyaarinayaan qorshe sare loogu qaadayo wax-soo-saarka beeraha iyo suuq-geyntooda.

Xoghayaha guud ee Iskaashatada Qaran ee Beeraleyda Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamay in beeraleyda la fahamsiiyo  muhiimadda ay leedahay tayaynta iyo tijaabinta wax-soo-saarka ka hor inta aan la suuq-geyn.

Beeraleyda koonfurta iyo bartahama Soomaaliya waxaa sanadihii la soo dhaafay saameyn ku yeelatay abaartii ku dhuftay Geeska Afrika.

1 COMMENT

  1. asc www salaan kadib anigo oo ah xasan waxaan halkaan ka cadeynayaa in wadankeena uu hada cagta u saaran yahay in uu xacigihiisa ku istaago waayo waligey kumaan nan fikirin in aan lixsaac habeenimo xaafadeyda aan tago sababtoo ah illahey ka sokoy waxaa mahad oo idil leh ciidanka xooga dalka soomaaliya illahey inagama qaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here