Wax ka ogaaw nolosha Aabi iyo Britania

Aabi iyo Biritani Hansal waa laba qof ooh al jir wada degan inkabadan 20sano nolol dabiici ah oo firfircooni kabuuxdana kuwada nool.

Labadaa walaal waxa ay dhigteen jaamacad kadibna waaa ay safreen shaqo ayaa ayna kaheleeen, lakin su aasha ayaa ah.

Ilaayo inteebuu culeeysku la egyahay labo qof oo haljir kuwada nool?

Labadaa walaal oo da’doodu tahay 23jir waxa ay xiiseeyaan sida inbadanoo saaxiibdood ah ineey maalin jog aadaan,kaxeeynta gawaarida,sporti ga gaarahaan kubada kulayga iyo ineey kunolaadaan nolol firfricoon.

Labada gabdhood oo mataano isku dhegan ah waxy kudhasheen magaalada Minsota ee wadanka maraykanka waxa ayna kasoo qalin jabiyeen jaamacada Biethal sidoo kale wax ay shaqo kaheleen iskuul dugsihoose oo ay ka dhigaan maadada Xisaabta.inkastoo ay labo shahaado kala wataan hadana sidii hal qof ayaa loola mucaamilaa oo halmushahar ayay qaataan.

Aabi waxa ay leedahay”arintaan waacadi inaguna waan ohgnahay inaanu halmushahar qaadanayno waayo halshaqo ayaynu qabanaa inkasto oo aanu kala taqasus iyo khibrad duwanahay”. “midkastoo naga mid ah waxaa usuuro gal ah iney shaqadeeda qabsato halka ay midakale su’aalaha kajawaabayso”biritaani ayaa tiri.

Arintaa waxaa aad ugu riyaaqdo saaxibdood Kari Johonki”waalaba gabdhood oo kala duwan misana waxaa usuuro gal ah inay qabtaan shaqada aan qabto maalinkastaa”ayay tiri mss Johonki.

Haljir iyo labo qalbi.

Labadaan walaalo aadbay isu yaqaanaan xitaa waxa usuurogal ah midood inay dhamaystirto jumlada mida kale.taniyo yaraantoodii ayay shaqada jirka qaybsadeen Aabi waxa ay xakuntaa dhanka midig ee jirka halka Biritaani xakunto dhanka bidix, jirku wuxuu kakoobanyahay labo sambabo labo qalbi,halbun taran iyo hal calool oo aad ubalaaran. Taa waxaa dheer khilaaf xaga oogada jirka ah, Aabi ayaa dhererkeedu yahay 1.57miter halka Biritaani tahay 1.47mitere sidaa daraadeed Biritaani waxaa wajib ku ah in ay faraha ku istaagto si ay jirka u balansi garayso.labadaa walaalaha ah waxa ay isku waafaqeen waxwalba oo nlosha ah cunno kasoo bilaaw ilaayo arimaha bulshada xitaa qaabka labiska iyo nooca dharka ay qaadanaayaan.

Aabi ayaa waxa ay leedahay”laba dooq ookala duwan ayaynu leenahay dabcan, Biritaani waxa ay ka heshaa dharka midab siloonka ah oo caadiga ah, halka anigu aan kahelo dharka dhalaalka ah”.sidoo kale Aabi waxaa lagu tilmaamaa ineey qofmaskaxfuran tahay oo doodaha ku gulaysto, halka Biritaani ay caadi tahay.

Nolol kala duwan.

Waxaa jiro kala duwanaansho labadaa walaalaha  udhaxeeeyo,Biritaani waa ay kabaqdaa meelaha sarsare lakin Aabi wayku daniyo heel la’dahay.sidookale Aabi waxa ayka heshaa sport ga iyo sayniska halka ay Biritaani xiiseeyso fanka. Cabbida koob qaxwo ah sidoo kale kala duwanaansho ayuu abuuraa waayo garaca wadnaha Biritaani ayaa siyaado cabitaanka qaxwada kadib halka Aabi eeyan wax isbedel ah dareemeeyn taa waxaa raaco iskhilaaf xaka heerkulkka jirka ah. “heerkuka jirkeeygu waa uukaladuwanyahay Biritaani  jirkeedu dhaqso ayuu kulka dareemaa” Aabi ayaa tiri.

Nolosha mataano hal jir kuwadanool:

Inkastoo ay hal qaysyihiin nolol caadiyana kunoolyihiin hadana culeeysyo badan ayaa soo food saaro.

Waxaa waajib ku ah in ay inbadan oo culeeys ah ay udulqaataan markastaana waa ay diidaan in laga faaloodo arimahooda gaarka ah, waxa ay sikulul u beeniyaan sheeko la is-ladhexmaro oo ah in Biritaani ay xiriir leedahay. Arintaa labadooduba waxa ay kutilamaamaan dhalanteed. Sidoo kale waxa dhibaato kaga timaadaa arinta safarka ah,labada gabdhood midkastoo kamid ahi baasaboor bayleedahay lakin halfiiso ama dalku gal ayay dalbadaan waayo hal kursi ayay fariisanaayaan. Arinta ugu adagi waa marka ay meelo ciriiriya yimaadaan waayoo dadku waxa ay isku dayaan inay sawiro kaqataan.arintaan waxaa kafaaloonaayo saaxibdooda qaaliga ah.Iran Jankanzan .

Iran waxa ay leedahay” markastaa waxa aan hubiyaa inay amaan yihiin oo aynan Qatar ugu jirin sawiro laga qaado, dadka ayaan iska xejiyaa si eeyan dadku sawiro uga qaadin,aadbaan ugu kuurgalaa marka ay gabdhuhu ku jiraan zaxmad”.

Arinta mataanaha isku dhegan waa xaalado nadir ah. Waxaa la rumeeysan yahay in 200kun oo canug oo ladhalaaba ay hal xaalad noocaan noqodaan,40-60boqolkii dhalasho oo nocaan ahina ayagoo mayd ah ayaa ladhalaa. Sido kalana waxaa lasheegaa in nolosha dhetiga noocaan ahi ay kawacantahay labka.

Arinta kala bixinta mataanaha noocaan ahi arin culus qaliin ahaann oo halis ah weeye, sidaa daraadeed  labadaan gabdhood aabahood waa uu diiday arinta kala bixintooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here