Wax badan ka ogow Xukuumadii kacaanka!!!!!

1392084_649008475129944_1949602617_n-208x300Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midnimo.com, waxaan u soo gudbineynaa qoraal gaaban oo ka hadlaya taarikhda dowladii kacaanka ee uu madaxweynaha u ahaa AHN Maxamed Siyaad Barre.

21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna
inqilaabeen xukuumaddii Ra’iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal kadib dilkii madaxweynihii Qaranka Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15 October, 1969 uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisi magaalada Laascaanood.

1 January, 1993 xukuumadda Milatterigu waxay ku dhawaaqday in afkii laqoro. Bishii August, 1974 ugu yaraan 20,000 macalin
Soomaali ah ayaa ka qaybgalay ololihii horumarinta reermiyiga. June, 1976 Xukuumaddi Milaterigu waxay abuurtay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Wuxuu ahaa xisbiga kaliya ee loo ogalaa dalka.

Xiligaas Xukuumadda Milaterigu waxay ku dhawaaqday in ragga iyo haweenku simanyihiin, waxayna abuurtay xoogag cusub oon horay loo aqoon Sida, “Guulwade.” 1977-1978 waxaa socday dagaalkii gobolka waqooyi galbeed ee dhexmaray Soomaalida iyo Ethiopianka. April, 1978 koox katirsan ciidamaddii qalabka siday ayaa isku dayey inqilaab dhicisoobay.

Desember, 1979 Xukuumaddii Milaterigu waxay qabatay doorashooyin baarlamaan; Laakiin golihii baarlamaanku wuxuu kayimid haldhinac oo ahaadhinaca Xukuumadda.February, 1982 Maj General Maxamed Siyad (Madaxweyniha Soomaaliya) wuxuu booqday Washington.

Xilligaas waxaa xabsiga laga siidaayey ra’iisalwasaare Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaase xabsiga lootaxaabay siyaasiyiin kale oo ay kujiraan qaar kamid ah golihii wasiirada. Siyaasiyiintan markan xabsiga lootaxaabay waxaa kujiray Dr. Maxamed Aden Sheikh, Maj. General Cumar Xaji Masalle ( oo labadaba ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynaha); Madaxweyne ku xigeenkii, Ismacil Cali Oboker, iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda, Cumar Carte Qaalib.

Marka aad akhriso fadlan aragtidaada ka soo dhiibo?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here