Wax badan ka ogaaw sababaha rasmiga ah ee keenay isku dhaca Xasan Shiikh & Imaaraadka

Khilaafka imaaraadka iyo Xasan ShiikhImaaraadka oo markii hore ahaa Garabka midig ee Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa hada u muuqda ineey kala furteen, waxaana maalmihii u dambeeyay soo shaac baxday in Imaaraadka ay wadaan qorshe xoogan oo ka dhan soo laabashada Madaxweyne Xasan.

Warar Hoose oo Midnimo.com ay heshay ayaa sheegaya, in isku dhaca Imaaraadka iyo Xasan uu salka ku haayo 5 qodob, kuwaasoo Madaxweyne Xasan uu ka biyo diiday inuu u fuliyo.

Dalabka Imaaraadka ee uu gaashaanka u daruuray Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kala ah:

  • In Soomaaliya xiriirka u jarto Doowlada Turkiga.
  • In Turkiga laga qaado mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya sida Dekeda, Garoonka iyo Saldhiga Milatari ee ka furanaayo magaalada Muqdisho.
  • In Soomaaliya ay xiriirka u jarto Doowlada Qadar
  • Inaan la furin Muranka Badda ee Soomaaliya kala dhaxeyso Kenya lagana aamuso inta ay ka imaaneyso Doowlad Cusub, waxaana ka hor yimid Xasan Shiikh.
  • In Siyaasada Soomaaliya, Doorashada, ololaha iyo qabanqaabada Doorashada looga dambeeyo Imaaraadka, waxaana uu qodobkaas 5-aad noqonayaa kan sababta u ahaa Khilaafka Imaaraadka iyo Xasan.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale si aad ah uga horyimid in Soomaaliya ay xiriirka u jarto Turkiga oo la ogyahay abaalka uu u galay shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale qarash xoogan ku bixinaya ololihiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here