Wax badan ka ogaaw qorshaha uu Jawaari u tegay Baydhaba

The Acting of President. "Peace and progress will triumph over cowardice and murder”
The Acting of President. “Peace and progress will triumph over cowardice and murder”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, ayaa shalay tegay magaalada Baydhaba ee xaruunta maamulka Koofur Galbeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa magaalada Baydhaba si weyn ugu soo dhaweeyay shacab farabadan iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif.

Magaalada Baydhaba ayaa maanta waxaa si rasmi ah uga bilaabanaya doorashada xubnaha aqalka Hoose uga mid noqonaya maamulka Koofur Galbeed, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in mudane jawaari kurisgiisa aqalka Hoose ee Baarlamaanka uu banaanka u yaalo, balse waxaa jira qorshe uu si Hoose u wado Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan, oo doonaya inuu ciriiri galiyo Jawaari.

Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa caqabad weyn ku noqon kara Jawaari oo doonaya in markale loo doorto Gudoomiyaha Baarlamanka Doowlada soo socota.

Shariif Xasan, ayaa sanadii 2012 ku fashilmay loolan uu la galay Jawaari, waxaase hada muuqata in Shariif Xasan uu doonaya inuu ka aarsado Jawaari islamarkaasna uu seejiyo Kursiga Aqalka Hoose, si aaneey ugu suurtagelin inuu isku soo sharaxo Guddoomiye Baarlamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here