Wasiradii 18-ahaa iyo Wasiirada 10-ka ah oo Maanta Kulan ku Yeeshay Muqdisho

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah oo ku aadan Wasiiradii hore ee Xukuumadii uu hogaaminaye C/wali maxamed Cali gaas iyo sidoo kale wasiirada cusub ee dalka Soomaaliya.

Kulan saxaafada dibadjoog ka aheyd oo uu shirgudoominaye ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi faarax Shirtdoon Saacid ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada faahfaahin kasiiyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo wasiiraka cusub ee wasaarada warfaafinta.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Xukuumadii KMG aheyd C/qaadir Xuseen Jahweyn kaasi oo sheegay in ujeedka kulanka maanta uu yahay inay isbartaan wasiirada cusub iyo wasiiradii hore.

Sidoo kale waxaa halkaasi saxaafada kula hadlay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya C/laahi Ciil Mooge kaasi oo sheegay in hadii ay yihiin wasiirada cusub ee dalka Soomaaliya ay gudanayan waajibaadka shaqada ee loo igmaday.

Inkastoo aysan dhicin xil wareejinta ku aadan Wasiirada cusub ee dalka Soomaaliya ayaa hadana wasiiradii hore iyo wasiirada cusub waxa ay balan qaadeen inay wada shaqeyn yeelan doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here