Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa booqasho ku jooga Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana uu uga sii gudbi doonaa Caasimadda Riyadh si uu ula kulmo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sucuudiga.
Dr. Gacal , wuxuu kaga qeybgalay Magaalada Doha ee dalka Qatar isku-imaatinkii 13-aad ee Doha ( 13th Doha Forum) , Waxaana si gaar gaar ah uu ula kulmay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Khalid Bin Mohammad Al Attiyah, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Tunis Rafiq Abdul-Salam iyo Madax kale oo ay ka wada hadleen taageerida dowladda Soomaaliya .
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku nagaan doona dalka Sucuudiga muddo kooban , isagoo la kulmi diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Qunsuliyadda Guud ee Jeddah iyo Safaaradda Riyadh , waxaa kale oo uu qaabili doonaa Jaaaliyadda .
Socdaalkan ayaa waxa uu la xiriiraa Xoojinta Xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada wadan si loo abuuro iskaashi dhinacyada Siyaasadda, dhaqan, dhaqaale iyo bulsho.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com