Wasiiru doowlada W.A.Gudaha oo dhiirageliyay diblomaasiyiin ku taba baranaya South Afrika Sawiro

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi
Maxamuud Cali ayaa caawa ku booqday 21 diblomaasi oo Wasaaradda arrimaha
dibadda iyo iskaashiga caalamiga ka tirsan hotel-ka Protea Hatfield ee
caasimadda South Africa ee Pretoria, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Madaxa
kooxda diblomaasiyiinta Cawaale Calli Kullane iyo kuxigeenkiisa Cabduqaadir
Suufi Maxamed (Muriidi Golf) waxaana uu wasiirku ku booriyay inay ka
faa’ideystaan tababarka diblomaasiyadeed ee uga soconaya dugsia caalamiga
ee Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Xiriirka caalamiga iyo
iskaashiga ee dowladda South Africa.
 
Wasiiru dowlaha oo booqashadiisa diblomaasiyiinta Soomaalida uu ku wehliyay
Safiirka Soomaaliya ee wadanka South Africa Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi
ayaa waxa uu bogaadiyay howlaha kala duwan ee Safaaradda ay u qabato
bulshada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka South Africa iyo dadaalada wax ku
oolka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ku
dooneyso tayeynta diblomaasiyiinta iyo dardar gelinta xiriirka dibadda.
 
Mar uu wasiiru dowlaha ka hadlayay arrimaha amniga iyo sarifka lacagaha
qalaad , ayaa waxa uu yiri “ dowladdu waxa ay heysaa xogta dhabta ah ee
dadka ku lugta leh inay ku cayaaraan sarifka suuqa iyo sicirka badeecadaha
kala duwan , waxaa naga go’aan ah inaan dhowaan ku faafino wadanka lacago
cusub oo shilin Soomaali ,iyadoo la horumarinayo shaqada bankiga dhexe ee
la socodka isbadalada suuqa , waxaana taa barbar socon doona ciidamo cusub
oo guur guura oo heegan ah oo ka wada howlgali doona xaafadaha kala duwan
ee caasimadda Muqdisho, si ay u xakameeyaan  hubka sharci darada ah iyo
weerarada cabsi gelinta ah”.
 
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi
Maxamuud Cali oo South Africa uga qeybgalay kulan ay iskugu yimaadeen qaar
ka mid ah wadamada Africa ee u gudbaya hanaanka dimoqraadiyadda iyo
doorashada xorta ah ayaa waxa uu amaanay Saraakiisha Taliska Xoogga dalka
Soomaaliya ee uu saameeyay go’aanka xil ka qaasita , isagoo cadeeyay in
dowladdu ay ilaalin doonto , ayna daryeeli doonto saraakiishaasi iyo kuwa
kale ee u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here